laamaha Amniga oo gacanta ku dhigay Burcad hubeysan

Ciidamada Ammaanka ee Maamulka degaanka Garasbaaleey ee duleedka Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay gacanta ku dhigeen Burcad hubeysan, kuwaas oo xilliyada habeenkii dadka Shacabka ah dhaca u geysan jiray.

Howlgal ay sameeyeen Ciidamada ayaa waxaa ay kusoo qabteen Afar Dbalinyaro ah oo watay Mooto Bajaak kuna hubeysan Bustoolado, xilli ay dad Shacab ah Mobeelada uga dhacayay meelo kamid ah degaanka Garasbaaleey.

Saraakiil katirsan laamaha Amniga degaanka Garasbaaleey ayaa Risaala u sheegay in raggan Burcadda ah ay ku raad joogeen maalmihii la soo dhaafay kadib cabasho uga timid Bulshada kunool degaanka.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen inay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Kooxaha Burcadda ah oo dhibaato ku haaya Shacabka kunool degaanka Garasbaaleey iyo degaannada ku dhow dhow.

Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa Bulshada kunool degaanka Garasbaaleey ay ka cabanayeen Kooxo Burcad ah oo dhac u geysanayay xilliyada habeenkii, taas oo keentay in laamaha Amniga degaanka ay howlgal sameeyaan.