Cali Guudlaawe oo Saraakiisha Amray xoojinta Amniga Jowhar & Beledweyne

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka Amniga Maamulka  Hirshabeelle, kaas oo ka qabsoomay Magalada Jowhar.

Shirka oo ay ka qeybgaleen Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe, Taliyaha Guutada 3aad qeybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, iyo saraakiisha qeybta, Taliyaha Madaxtooyada, Taliyaha Nabada Sugida Hirshabeelle, saraakiil ka socotay taliska booliiska Hirshabeelle, saraakiisha qeybta guud ee Gobolka, iyo Agaasinka Madaxtooyada ayaa looga hadlay dardargalinta amniga guud ee Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa ayaa faray saraakiisha hay’addaha Amniga inay xoojiyaan oo ay laba laabaan amniga deegaanada Hirshabeelle gaar ahaan Magaalooyinka Jowhar iyo Beledweyne oo ay ka dhacayaan dhowaan doorashooyinka xildhibaanada golaha shacabka.

Magaalooyinka Jowhar iyo Beledweyne ayaa waxaa ay kamid tahay goobaha loo asteeyay inay ka dhacaan doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka ee degaan doorashadoodu tahay Maamulka Hir-Shabeelle.