Dowladda Somalia oo soo bandhigtay Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo isku soo dhiibay

Sarkaalkaan oo lagu magacaabo Aadan Guurow Isaaq oo muddo toddobo sanno ah ka tirsanaa dagaalamayaasha Ururka Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka ee ku sugan Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Gaashaanle sare Cabdiraxmaan Cilmi Jimcaale oo ah taliyaha ururka 25-aad ee ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in Aadan uu kala soo cararay naftiisa Al-Shabaab sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Saraakiisha Ciifamada ay soo dhaweyn doonaan cid kasta oo ka tirsan Al-Shabaab ee isku soo dhiibta, wuxuna ugu baaqay kuwa hadda kujira inay isaga soo tagaan.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa kordhay tirada xubnaha isu soo dhiibaya Dowladda Soomaliya ee ka tirsan Al-Shabaab, waxaana muddo todobaad gudahood ah ay dowladda Soomaaliya soo bandhigtay Saddex Xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab balse isa soo dhiibay.