Hawlgalkaan oo ahaa mid lagu xaqiijinayay Amniga degaano hoos yimaada degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa Ciidamada kala duwan ee dowladda Soomaaliya waxaa ay ka sameeyeen degaano hoostaga degmadaas.
Degaannada howlgalka ay Ciidamada Qalabka sida ka sasameyeen ayaa waxaa kamid ah, Wariiryaale Shirke, War liibaan iyo Degaanka Caracase, hqlkaas oo mararka lagu arko Xubno katirsan Al-Shabaab.
Howlgalka ayaa waxaa siwada jir ah u fuliyay Ciidamada Millateriga gaar Ahaan Ururada 27 Iyo 28 Ee kawada tirsan Guutada 10Aad iyo Ciidamada Gorgor ee ku sugan Beled Xaawo iyo Ciidamada Nabadsugida Iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed Ee NISA.
Cismaan Sheikh Cabdi Qorax Abaanduulaha Guutada 10Aad Qeybta 43Aad Gaashaanle Dhexe Cismaan Sheekh Cabdi Qorax oo howlgalka hoggaaminayay ayaa sheegay inay bur uriyeen fariisimo ay ku sugnaayeen Ururka Al-Shabaab.
Sidoo kale wuxuu ugu baaqay Hay’adaha Arimaha Bani Aadanimada ka Shaqeeya in si Deg Deg ah loogu gurmado Dadka ku tabaaleysan Miyiga oo xoolihi kaga dhamadeen Abaaraha daran ee ku habsaday Gobolka Gedo.



