
Dagaal muddo kooban socday ayaa ku dhexmaray galbeedka Magaalada Beledweyne Ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.
Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhiga Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin halka loo yaqaano Bacaadada ee Xaafada howl-wadaag ee Magaalada Beledweyne.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in mid kamid ah madaafiicdii leys dhaafsanayay uu ku dhacay guri ay degan yihiin dad rayid ah, waxaana ku dhintay Saddex Carruur Walaalo ah halka laba kale ay ku dhaawacmeen.
laamaha Amniga Magaalada Beledweyne ayaan weli ka hadlin weerarka Magaalada Beledweyne, iyada oo xaaladda Magaalada saaka ay tahay mid degan.
Dagaalka xalay ka dhacay Magaalada Beledweyne ayaa waxaa ka horreyay howlgal ay shalay ciidamada isgarabsanaya ka sameeyeen deegaano ku yaalla galbeedka Beledweyne gaar ahaan deegaanka Luuq-jeelow oo Al-Shabaab ay ku leeyihiin bar koontorool oo ay lacago kaga qaaddo gaadiidka soo gala Beledweyne.



