Safiirka Soomaaliya ee Dalka Zambia, Xaawo Xasan Maxamed ayaa waxaa ay kulan la qaadatay Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha ee Zambia. Hon: Jack Mwiinbu, kaas oo ay uga wada haeen arrimo ku saabsan dalka Soomaaliya.
Kulankaan labada dbinac ayaa ku saabsanaa howgladii ka dhacey magaalada Ndola iyo arimo ku saabsan qaxootiga Somaaliyeed ee ku nool dalka Zambia.
Sigaar ah labada shinac ayaa aad u falan qeeyeen dadka Soomaaliyeed ee dhawaan Ciidamada Booliska dalla Zambia ku xir xiree Mahaalada Ndola, kuwaas oo siyaabo kala duwan u joogay dalkaasi Zambia.
Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha ee Zambia. Hon: Jack Mwiinbu ayaa dhankiisa balan qaaday inay wax ka qabanayaan dhibaatooyinkii xariga ahaa ee Soomaalida loo geystay, kuwaas oo uu sheegay in uu aad uga xun yahay.
War kasoo baxay Safaaradda Soomaaliya ee dalka Zambia ayaa waxaa lagu sheegay in mas’uuliyiinta Safaaradda ay Maanta ama Beri tegi doonaan Magaalada Ndola oo ah halka Soomaalida lagu xir xiray si ay u sii wadaan wada-hadallada la xiriira dhibaatada lagu haayo Soomaalida.
Ogeysiin. Maanta “1 December ama 2da December 2021” ayaan waxaan soo Gaareynaa magaalada Ndola . Safarkenaas oo isugu jira salaan iyo is xog wareysi. Ka dib holwgaladii ugu dambeeyay oo Booliska iyo shaqaalaha waaxda Socdaalka Zambia ka sameeyen magaalada Ndola.
Waxaan wada hadalo kala sameyney dawlada Zambia iyo heydaha kale oo ey quseysey, gaar ahaan Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha, Waaxda Socdaalka iyo Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga.
Waxaan idinla wadaagi doonaa, wixii ka soo baxey shirarkii is daba jooga ahaa ee aan la yaalaney madaxda heyadahaa kor ku xusan.
Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa goir sii horreeysay waxaa ay walaac ka muujisay xarig Ciidamada Booliska Zambia Magaalada Ndola ugu geysteen Soomaali farabadan, hayeeshee Safaaradda Soomaaliya ee dalkaas ay wado qoeshooyin looga hortagayo in aysan soo laaban falkaas oo kale.



