Midowga Musharaxiinta oo si kulul uga jawaabay doorashada boobka ee golaha Shacabka

 

Midowga Musharaxiinta ayaa war saxaafadeed ka soo saaray shirar maalmihii la soo dhaafay u socday oo looga hadlayay geeddi socodka doorashooyinka ayaa caddeeyay in waxa socda aan lagu tilmaami karin doorasho oo ay tahay boob qaawan oo dalka u horseedi karta qalalaase siyaasadeed, xasillooni darro iyo Nabadgelyo la’aan.

Sidoo kale war saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in aan lagu fiirsan karin sida ay wax u socdaan, isla markaana aysan raalli ka noqon karin, aqbaleyn iyo qeybna ka noqoneyn boobka socda.

Waxaa kaloo ay caddeeyeen in mas’uuliyadda ka dhasha boobka doorashada ay qaadi doonaan Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

War Midowga Musharaxiinta ayaa siddaan u qornaa:

Golaha Midowga Murashaxiinta kulan uga furmay magaalada Muqdisho intii u dhexaysay 25-30/11/2021 ayaa diiradda lagu saaray xaaladda
siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan geeddi-socodka doorashooyinkii la filayey in ay dalka ka qabsoomaan.
Golaha markii ay u caddaatay
1- In laga tegey odayaashii dhaqanka ee xaqa u lahaa in ay soo xulaan
ergooyinka dooranaya xildhibaanada.

2- In aysan jirin ergo la xulay, la diiwaan geliyey, la tababaray, guddiga doorashooyinka ee heer Federaalna (FIET) ay hubiyeen.

3- In ergooyin laga dhigay shaqaalihii rayidka ahaa, ciidanka dawladda iyo dad aan mararka qaar ku hayb ahayn qabaa’ilka kursiga lahaa.

4-In loo diiday diiwaan gelinta tartanka kursiga xildhibaanno kuraasta
hore ugu fadhiyey, iyo kuwo kale oo xaqu lahaa, halka la diiwaan geliyey xubno aan soo buuxinin shuruudihii diiwaan gelinta.

5-In ay luntay madaxbannaanidii, iyo dhexdhexaadnimadii guddiyada
doorashada heer dawlad goboleed, kuwaasoo toos uga amar qaadanaya Madaxweynaha dawlad-goboleedka, halka guddiga doorashada ee heer federaal ka amar qaataan madaxda federaalka.

6- In guddiyada labada heer aysan kala amar qaadanaynin, Guddiga
Xallinta Khilaafaadka uu gabay hawshii loo xilsaaray, isagoo diiday qabashada cabashooyinka, kuwii loo gudbiyeyna aanan u cadaalad falin.

7- In aysan jirin korjoogtayn iyo tebin toos ah ee warbaahineed si loo hubiyo in si daahfuran u dhaco tartanku. Haddaba, haddii ay meesha ka baxeen dhammaan shuruudihii hufnaanta
iyo daahfurnaanta doorashada, waxay doorashadi la sugayey isku bedeshay boob qaawan oo dalka u horseedi kara khilaaf siyaasadeed,
xasillooni darri, iyo burbur ku yimaada dawladnimada.

Goluha Midowga Murashaxiinta isagoo ka ambaqaadaya ujeedooyinkii loo dhisay ee ahaa in ay dalka ka hirgasho doorasho hufnaan iyo daahfurnaan leh, natiijadeedana la aqbalo ayuu billaabay dadaallo lagu hor istaagayo
boobka doorashada.

Wuxuu kulamo la yeeshay Raysalwasaaraha
dawladda federaalka ah, guddiga doorashooyinka ee heer Federaal, wuxuu si gooni gooni ah ula hadlay madaxda dawlad goboleedyada.
Goluhu wuxuu Raysalwasaare Maxamad Xuseen Rooble ka dalbaday in la hakiyo doorashooyinka, shirna isugu yeero madaxda Golaha Wadatashiga
Qaran, Midowga Murashaxiinta, Bulshada Rayadka ah iyo beesha caalmaka, si wax looga qabto boobka doorashooyinka socda, loona saxo
khaldka. Laakiin waxaa wax laga xumaado ah in taa bedelkeeda uu Raysalwasaaruhu dhiirrageliyey sii socoshada doorashada uu boobkeedu u
muuqdo bulshada Soomaaliyeed iyo beesha caalamkaba, isagoo ammaan u soo jeediyey madaxdii boobka loo haystay, kana dalbaday kuwa aan weli billaabin in ay degdeg u billaabaan.
Haddaba, Golaha Midowga Murashaxiinta wuxuu shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalaamkaba u caddaynayaa:
1- In waxa socdaa aan lagu tilmaami karin doorasho oo ay tahay boob
qaawan oo dalka u horseedi kara qalalaase siyaasadeed, xasillooni
darri iyo nabadgelyo la’aan.

2- In Goluhu uusan raalli ka ahayn, aqbalayn, qaybna ka noqon doonin
boobka socda ee lagu dibindaabinayo shacabka Soomaaliyeed, laguna burburinayo geeddi-socodkii nabadda iyo dhismaha dawladnimada.
3- In aan la fiirsan karin sida ay wax u socdaaan, sidaas darteedna Goluhu wuxuu watadashi la yeelanayo qaybaha kala duwan ee
bulshada, si loo helo xal qaran oo dalka looga samatabixiyo halista ku soo fool leh xasilloonida, dawladnimada iyo wadajirka ummadda.

4-In madaxda dawladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada ay qaadayaan mas’uuliyada natiijada ka dhalata boobka doorashada.
5-In ay shacabka Soomaaliyeed meel uga soo wada jeestaan ajandaha gurracan ee lagu hagardaamaynayo dawladnimada,
xasilloonida siyaasadeed iyo wadajirka ummadnimo, garabna nagu
siiyaan samatabixinta dalka.
6- In beesha caalamka aysan indhaha ka laaban boobka doorashooyinka, fartana ku fiiqaan hufnaan la’aanta doorshada, aysanna sugin cawaaqib xumida ka dhalan karta boobka socda.