Weli waxaa Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ka socota doorashada kuraasta Golaha Shacabka, iyada oo Maanta la doortay kursiga Saddexaad.
Kursiga HOP#154 ayaa waxaa ku guuleysatay Sareeda Maxamed Cabdala oo Afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhisay, waxaana ay heshay Codad dhan 89-cod halka musharaxii la tartamaysay ee Fardowsa Ibraahim Cabdi ay heshay 8-cod, Waxaana halaabay 4-cod.
Hadda waxaa socota Doorashada kursiga ugu dsmbeeya ee doorashada Maanta ee HOP#193 ee uu ka geeriyooday Maxamuud Maxamed Bono.



