Saadaad Maxamed Nuur Aliyow oo loo doortay kursi Golaha Shacabka

Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa Maanta markale ka bilaabatay doorashada Afar kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee degaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed, iyada oo kursiga 1aad ee Maanta goordhow la doortay.

Kursiga koowaad oo ah HOP#180 ayaa waxaa horay ugu fadhiyay Daahir Cabdi Cabdulle Dr. Go oo ka tanaasulay , balse waxaa Maanta ku tartamay Saadaad Maxamed Nuur Aliyow & Maxamed Axmed Maxamed, waxaana kursiga kusoo baxay Saadaad Maxamed Nuur Aliyow oo helay Codad dhan 87 Cod halka musharrixii la tartamayey ee Maxamed Axmed Maxamed uu heley codad dhan 9 Cod, waxaana halaabay 4 Cod.

Saadaad Maxamed Nuur Aliyow ayaa waxaa uu ka tirsan yahay Xisbiga Mucaaradka ah ee WADAJIR, wuxuuna yahay Xoghayaha Arrimaha Gudaha ee Xisbigaas.

Hadda waxaa bilaabatay doorashada kursiga labaad ee Golaha Shacabka oo ay ku tartamayaan laba musharax, waxaana la filayaa in Maanta Baydhabo lagu doorto Afar kursi.