Puntland oo Ciidamada fartay adkeynta Amniga Gobolka Nugaal

Maamulka Puntland ayaa meelo kamid ah Gobolka Nugaal ayaa waxaa ay ku diyaariyeen Ciidamo farabadan oo loogu talo galay sugida Amniga doorashooyinka iyo la dagaalanka Ururka Al-Shabaab, kuwaas oo dhawaan tababar loogu soo xiray Magaalada Qardho

Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Nugaal Xuseen Cali Maxamuud ayaa faray Ciidamada inay isku diyaariyaan in waajibaadkooda uu yahay la dagaalanka Al-Shabaab iyo Kooxda Daacish oo mararka qaar weeraro ka fuliyo degaano ka tirsan Gobolka Mudug.

Waxaa uu sheegay in mararka qaar rag kamid ah Ciidamada ay ka qeyb qaataan in qeybo kamid ah Gobolka Nugaal la soo geliyo maandooriyaha khamriga ee laga keeno dalka Itoobiya, wuxuuna sheegay in askarigii lagu qabto la saari doono Maxkamadda Ciidamada Puntland.

Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Nugaal Xuseen Cali Maxamuud waxaa uu Ciidamada ugu baaqay inay dardar geliyaan howlaha ay u hayaan Bulshada, isla markaana si wanaagsan ugu Shaqeeyaan.

Warkaan kasoo yeeray Booliska Gobolka Nugaal Xuseen Cali Maxamuud ayaa kusoo aadeysa xilli puntland todobaadyadii la soo dhaafay soo bandhigeysay rag ka tirsan Al-Shabaab oo ka qeyb qaatay weerarkii Xabsiga Boosaaso, kuwaas oo dagaal lagu qabtay.