Dowladda Japan ayaa go’aan ku gaartay in muddo hal sano ah lagu kordhiyo howlgalka ciidamada is-difaaca ee dalkaasi ka wadaan xeebaha Soomaaliya.
Iyadoo laga duulayo sharciga la dagaalanka burcad-badeeda, laga bilaabo 2009-kii Japan waxa ay geysay maraakiibta wax burburisa iyo kuwa ilaalada xeebaha gacanka cadmeed ee waqooyiga Soomaaliya.
Go’aanka muddo kordhinta ayaa lagu gaaray shirkii Golaha Wasiirada ee Talaadadii.
Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa sheegay in dhibaatooyinka aasaasiga ah ee Soomaaliya sida faqriga, oo keeni kara burcad-badeednimo aan weli la xalin. Waxay kaloo sheegeen in maraakiibta ganacsigu ay weli codsanayaan inay sii Shaqeeyaan Ciidamada la dagaalanka Burcad Badeeda.
Dawladdu waxa kale oo ay go’aansatay in ay kordhiso tirada shaqaalaha ee hawsha si ay uga caawiyaan isku-dubbaridka gelitaanka iyo ka bixista inta u dhaxaysa Jabuuti, halkaas oo ay joogaan shaqaalaha SDF, iyo meelaha ay ka hawlgalaan, iyo sidoo kale tallaabooyinka ka hortagga coronavirus.
Sidoo kale, shirka golaha wasiirrada, ayay xukuumaddu ku go’aamisay in muddo hal sano ah loo kordhiyo, ka-qaybgalka shaqaalaha SDF ee howlgalka nabad-ilaalinta caalamiga ah ee gacanka Siinaay ee Masar. Hawlgalka SDF ayaa lagu waday in la soo gabagabeeyo dhammaadka bishan.



