Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, Anthony Blinken, ayaa tagaya dalka Kenya, si uu ugala hadlo dagaalka ka socda Itoobiya, iyo sidoo kale xaaladda amni ee Suudaan iyo Soomaaliya.
Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa dhawaan booqasho ku tagay dalka Itoobiya, isaga oo la kulmay Ra’iisul Wasaaaraha dalkaas.
Dhanka kalena Mareykanku ay uga digeen in cunaqabateyn lagu soo rogo dowladda Itoobiya iyo fallaagada gobolka Tigray.
Mr Blinken ayaa safarkiisan afrika oo noqonaya kii ugu horeeyay ee rasmi ah ee ku yimaaddo qaarada, ayaa waxa uu ka soo bilaabmi doonaa Nigeria halkaas oo uu kula kulmi doono madaxweyne Muhammadu Buhari.
Inta uu ku sugan yahay magaalada caasimadda ah ee Abuja, waxaa la filayaa inuu ku dhawaaqo siyaasadda cusub ee Mareykanka ee ku aaddan Afrika.
Safarkan Mr Blinken waxa uu ku soo gebagebaynayaa Senegal halkaas oo uu kula kulmi doono Madaxweyne Macky Sall, oo la filayo in uu la wareego guddoomiyaha Midowga Afrika.



