Booliska Soomaaliya oo habeenkii labaad howlgallo ka sameeyay Muqdisho

Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir ayaa habeenkii labaad oo xiriir ah waxaa ay howlgallo kala duwan oo amniga lagu xaqiijinayay waxaa ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmooyin kamid ah Gobolka Banaadir.

Ciidamada ayaa xalay waxaa ay howlgallada ka sameeyeen xaafadaha iyo Isgousyada muhiimka ah ee dhexmara degmooyinka Xamar Jajab, Waaberi, Hodan iyo Howlwadaag, waxaana howlgalka lagu qabqabtay dad u badan dhalinyaro.

Saraakiisha Ciidamada howlgalka hoggaamineysay ayaa dhalinyarada la qabtay osugu keenay goob fagaaro ah, iyaga oo u jeediyay hadalo dardaaran ah kana codsaday inay Ciidamada kala Shaqeeyaan sugida Amniga Caasimadda.

Ciidamada Booliska ayaa galayay Guryaha qaar si baaritaan ugubsameeyaan, waxaana sidoo kale Ciidamadu ay gudaha Xaafadaha ka baadi goobayeen dhalinta isticmaasha waxyaabaha Maanka dooriya iyo kooxaha Burcadda ah ee dhaca u geeysanaya Shacabka.

Taliye kuxigeenka 1aad ee qeybta Booliska Gobolka Banaadir Cali Dhuux Cabdi Mahadalle ayaa sheegay in ujeedka howlgalka uu yahay in laga hortago cid kasta oo isku dayeysa inay falal Amni darro ka geysato degmooyinka Gobolka Banaadir.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in howlgallada ay noqon doonaan kuwo si joogta ah looga sameeyo Magaalada Muqdishi, waxaana uu Shacabka ka codsaday inay Ciidamada kala Shaqeeyaan sugida Amniga Caasimadda.

Waa habeenkii labaad oo xiriir ah oo Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir ay howlgallo amni xaqiijin ah ka sameeyaan qaar kamid ah degmooyinka Magaalada Muqdisho kadib cabasho ka timid Shacabka oo la xiriirta Kooxo burcad ah oo dhac geeysanaya.