Carruur isku qoys ah oo ku dhintay xabad ku qaraxday

Sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan booliska degmada Guriceel, seddax caruur ah ayaa ku geeriyootay, halka mid kale iyo hooyadii dhashay caruurtaas ay ku dhaawacmeen, haraadiga xabadda laga rido qoriga loo yaqaano Sebanka oo ku qaraxday.

Caruurta ayaa la sheegay in xabadaas ay kasoo qaadeen agagaarka xarunta Jaamacadda ee ku taalla waqooyiga degmada Guriceel, halkaas oo dagaalkii ugu cuslaa uu todobaadyo ka hor ku dhex-maray ciidanka Qaranka iyo xoogagga hubeysan ee Ahlu-Sunna.

Carruurta ayay ku qaraxday xabadda xilli ay garaacayeen.

Carruurta geeriyootay ayaa dhammaantood isku qoys ahaa.