Puntland oo shaacisay inay ka hortageyso kuwa falalka Amni darro geysta

Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Gaashaanle Nugaal Xuseen Cali Maxamuud oo dhawaan loo soo bedelay Gobolka Nugaal ayaa sheegay in guud ahaan uu xaaiijin doono amniga Gobolka Nugaal kana dhigi doono sida Gobolka Bari.

Waxaa uu sheegay Taliyaha in xilligii uu la wareegayay Amniga Gobolla Bari habeen iyo Maalin dadka lagu dilayay, balse markii dambe uu ka dhigay mid amni wanaagsan, isla markaana ay tallaabo ka qaadeen dadkii ka Shaqeeynayay Amni darrada.

Sidoo kale Taliye Xuseen ayaa sheegay in loo baahan yahay Ciidamo u heelan sugida Amniga Gobolka Bari si looga hortago kuwo falalka Amni darro geysta, wuxuuna ugu baaqay Ciidamada inay tallaabo ka aaadaan kuwa ka Ganacsada maandooriyaha khamriga oo qeyb ka geysan kara amni darrada.

Warkaan kasoo yeeray Taliyaha Ciidamada qeybta Booliska Gobolka Nugaal ayaa kusoo aadaya xilli bilihii la soo dhaafay Magaalada Garoowe ay ka dhaceen dilal loo geystay dad Shacab ah oo badankoood ay ka dambeeyeen Ciidamada Booliska iyo kuwa Madaxtooyada Puntland.