DFS & Turkiga oo ka wada hadlay caqabadaha heysta Ganacsatada Soomaalida

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa  ku qaabilay Caasimadda Muqdisho, Safiirka Jamhuuriyadda Turkiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,  Mehmet Yilmaz, waxa ayna si qotodheer uga wadahadleen xiriirka labo geesoodka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal iyo labada dad ee walaalaha ah.

Kulanka ayaa diiradda lagu saarray sidii la isaga kaashan lahaa kor u qaadidda heerka iskaashiga laba dhinac ee  dhaqaalaha, is-dhaafsiga ganacsiga, dhaqanka iyo dalxiiska, iyo sidii loo dhiirigelin lahaa maalgashiga iyo siyaabaha looga gudbi karo dhammaan caqabadaha soo wajaha arrinkan, iyo sidoo kale qaban-qaabinta booqashooyin ganacsatada labada dhinac ay is-weydaarsadaan.

Dowladda Turkiga ayaa waxaa ay kamid tahay dowladaha taageera Soomaaliya, hayeeshee todobaadyadii la soo dhaafay waxaa jiray Ganacsato Soomaali ah oo lagu xir xiray waddanka Turkiga.

Soomaaliya waxay Turkiga la leedahay xiriir adag oo soo jireen ah oo ku dhisan tiirar taariikhi ah oo faca weyn.