Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa lagu qabtay munaasabad uu musharaxnimadiisa kusoo bandhigayay Musharax Xildhibaan Axmed Maxamed Xuseen Eenow oo ah musharax u taagan qabashada kursiga Golaha Shacabka ee HOP185.
Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay qeybaha kala duwan ee Odayaasha Dhaqanka, Culuma’udiin, aqoonyahano, Siyaasiyiin, haween, Dhalinyaro iyo marti sharaf kale ee lagu casuumay.
Qaar kamid ah Odayaasha Dhaqanka Beesha ayaa aad u amaanay musharax Xildhibaan Axmed Maxamed Xuseen Eenow , iyaga oo sheegay inay ka filayaan in uu wax badan u qabto Bulshada uu meteli doono.
Sidoo kale waxaa ay sheegeen in musharaxa uu kusoo aaday xilligii loo baahnaa, waxana sheegeen inay ku aamineyn aqoontiisa, iyaga oo sicad taageero weyn ugu muujiyay.
Musharax Xildhibaan Axmed Maxamed Xuseen Eenow ayaa dhankiisa balan qaaday in wax badan uu ka qaban doono baahiyaha Beesha ee waqtigaan, sidoo kalena uu yahay Nin u taagan kursiga Boqortooyada Qowmiyadda 9-ka eeylo, isla markaana uusan ka hari doonin tartanka ilaa uu ka gaarayo hadafkiisa.
Waxaa uu balan qaaday wax ka qabashada Saddex qodob oo kala ah, Biyo l’aan, Caafimaad darro iyo waxbarasho la’aan, uuna rajeeynao in dhamaan baahiyahaas uu wax ka qaban doono.
Doorashooyinka xilligaan ee Golaha Shacabka ayaa waxaa isku soo taagandhalinyaro farabadan oo Aqoonyahano ah oo uu kamid yahay Musharax Xildhibaan Axmed Maxamed Xuseen Eenow, kaas oo ololihiisa ka wada degaannada Koonfur Galbeed.




