Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ka hadlay falkii Al-Shabaab ka geysteen Waajid

Madaxweynaha Koonfur Galbeed  Cabdicasiis Laftagareen ayaa  ka hadlay dhibaatooyinka Al-Shabaab ay mararka qaar u geystaan Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Shacabka Koonfur Galbeed iyo falkii ay  ugeysteen Ganacsatadii Degmada Waajid ee Gobolka Bakool oo raashin ay wateen la gubay.

laftagareen waxaa uu sheegay in Al-Shabaab kasoo horjeedaan noloshada dadka, ayna doonayaan in qofka nolosha lagu ciqaabo.

“Waad ogeydeen maalin dhaweyd in xayaawaankii xitaa dilayaan gaari dameerada raashiinka wadey, maxaa looga baqayaa in la isku tashado oo cadowga Dowlada lagu garabsiiyo iney meesha ka saarto, Qof wadada u taagan in bulshada dhibaateeyo waa in la iska dhiciyaa oo lagu shahiidaa oo la iska dhiciyaa, hadii leedihiin laftagreen ayaa madfac keenayo Waad og tihiin dalka Cunaqabateyn ayaa saaran, Marka wixii aan heli karno oo hub ah waa in la isaga dhiciyaa, waana iska difaaci karaa, Marka shacabka doorkooda ha qaataan ayuu yiri” lafatagareen.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ugu dambeyn sheegay in ka maamul ahaan ay ka go’an tahay sidii loo fulin lahaa howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

Hadalkaan ayaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed waxaa uu Maanta ka sheegay kulan uu ku saxiixay qorshaha horumarinta dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.