Farmaajo iyo Rooble oo heshiis gaaray

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha XFS  Mudane Maxamed Xuseen Rooble  oo wada hadal yeeshay ayaa xal ka gaaray arrimihii lagu kala aragti duwanaa, iyagoo soo saaray war-saxaafadeed ku saabsan qodobbadii lagu heshiiyay.

  1. Wasiirka Amniga waxaa ahaanaya Cabdullaahi Max’ed Nuur.
  2. Taliyaha NISA Yaasiin Farey isagaa sii haynaya NISA inta qof kale madaxwayne Farmaajo uu soo magacaabayo ka dibna la marsiiyo golaha wasiirada.
  3. Bashiir Goobe, xubin katirsan golaha wasiiradda Federaalka ayuu noqonayaa, aana aheyn Hay’addaha Amniga.
  4. Kiiskii Ikraan in loo daayo Hay’addaha ku shaqada leh.