Mahdi Guuleed oo shaaciyay waxa ay ka filayaan Maxkamadda ICJ

Maxkamadda caalamiga ee cadaaladda ee fadhigeedu yahay magaalada Hague ee Netherlands ayaa lagu wadaa inay maanta xukun ka soo saarto dacwadda xuduud badeedka ee u dhaxeeya dalalka Somalia iyo Kenya kaas oo oscday sanooyin badan.

Xukunka ayaa la filayaa inuu noqdo mid taariikhi ah, waxaana dhici karta inuu cawaaqib ku yeesho xiriirka labada dal iyo soohdimaha badda ee dalalka saaran badweynta Hindiya.

Madaxda dowladda Soomaaliya, Siyaasiyiinta mucaaradka iyo Shacabka Soomaaliyeed ayaa isha ku haya go’aanka ay Galabta soo saari doonto Maxkamadda ICJ.