Tobaneeyo qof ayaa ku dhimatay qarax ismiidaamin ah oo lagu qaaday masaajid Shiicadu leedahay oo ku yaal magaalada Kunduz ee waqooyi bari Afghanistan intii lagu jiray salaadda Jimcaha, waana weerarkii ugu xumaa ee dalkaas ka dhaca tan iyo markii ay Talibanka la wareegeen maamulka bishii Ogosto.
Dawladda Islaamiga ah ee Gobolka Khorasan, ISKP (ISIS-K) ayaa Jimcihii sheegtay mas’uuliyadda weerarka iyada oo loo marayo kanaalkeeda Telegram.
Bayaan lagu sii daayay Telegram, kooxda ayaa lagu sheegay in qof is-miidaamiyay ISIS-K “uu qarxiyay jaakadaha qarxa xilli ay ku sugnaayeen dad badan” oo ka mid ah dadka Shiicada ah ee ku cibaadeysanayay masjidka.
Muuqaalo fiidiyow ah ayaa muujinaya maydad ku hareeraysan burburka gudaha Masjidka Gozar-e-Sayed Abad oo ay adeegsadaan dadka ka soo jeeda bulshada Muslimiinta Shiicada ah ee laga tirada badan yahay.
Waxaa jiray warar is khilaafsan oo ku saabsan tirada khasaaraha. Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Afghanistan ayaa bartiisa Twitter -ka ku sheegay in qaraxa uu sababay dhimasho iyo dhaawac in ka badan 100 qof.



