Adeegyada baraha bulshada sida Facebook, WhatsApp iyo Instagram ayaa waxaa haleelay cilad soo wajahday muddo ka badan laba saac.
Dhammaan saddexda adeeg waxaa iska leh Facebook oo laguma geli karo shabakadaha ama barnaamijyada taleefannada casriga ah.
Xogta laga helay mareegaha ayaa tilmaamaysa in go’itaanku uu saameynayo xisaabaadka isticmaaleyaasha adduunka oo dhan.
Shirkadda Facebook oo ka hadashay dhibaatada jirta ayaa tiri”Waan ka warqabnaa in dadka qaar ay dhibaato ku qabaan gelitaanka barnaamijyadeenna iyo badeecadahayaga. Waxaan ka shaqeyneynaa inaan sida ugu dhaqsiyaha badan wax ku soo celinno oo aan ka raalli -gelinno wixii dhib ah.”
Goobaha sida weyn looga dareemay cilada adeegyada Shirkadda Facebook ayaa waxaa kamid ah Magaalada Muqdisho, waxaana Caawa dadka adi ay aadeen dhina Twitter-ka



