Sheekh Shariif , Cabdi Xaashi & Mahdi Guuleed oo ka wada hadlay Arrimaha doorashooyinka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed sidoo kalena ah Guddoomiyaha Midowga Musharixiinta ayaa xalay waxaa uu kulan la qaatay Sanoter Cabdi Xaashi Cabdillaahi siihayaha Guddoomiyaha Aqalka Sare & Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Xukuumadda xilgaarsiinta Mahdi Maxamed Guuleed.

Kulanka oo ka dhacay Hooyga ay Muqdisho ka degan yihiin Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed ayaa looga hadlay si guud xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka gaar ahaan arrimaha doorashooyinka.

Sheekh Shariif ayaa uga mahad celiyay labada Mas’uul doorkii ay ka qaateen doorashadii kuraasta aqalka sare ee Gobollada Waqooyi iyo biseylka tanaasul ee ay muujiyeen.

“Waxaan la wadaagnay sida aan uga rajeyneyno in sida ugu dhow loo bilaabo doorashada kuraasta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayuu yiri” Shariif Sheekh Axmed.

Kulamada looga hadlayo arrimaha doorashoiyinka ayaa si joogta ah uga dhaca Muqdisho iyo Gobolada dalka, iyada oo dhawaan ay bilaaban doongo doorashada Xildhibaamnada Aqalka Hoose ee Golaha Shacabka.