Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo khudbad manta ka jeediyay hadal jeedinta musharixiinta Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi ayaa ka hadlay khilaafka, isaga iyo Farmaajo, Arrimaha doorashooyinka iyo Kiiska Ikraan Tahliil.
Ra’iisul Wasaare Rooble o ka hadlayay arrimaha doorashooyinka ayaa sheegay in todobaadka Gudhiisa ay soo geba-gabeeynayaan doorashada doorashada aqalka Gobolada Waqooyi sare ee Somaliland.
Sidoo kale waxa uu ugu baaqay Guddiyada , odayaasha ergooyinka ah ee wax dooranaya inay ay ilaaiyaan hufnaanta doorashada , sidoo kalena dowlad Goboleedyada looga baahan yahay in ay soo dhameystiran doorashada ASqalka Sare, isla markaana ay bilaabaan doorashooda golaha shacabka .
Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa sheegay in mar walba uu khilaaf iska yimaado balseuusan aheyn wax weyn, isla markaana ay iska dhamaan doonan.
“Khilaaf waa iska yimaadaa wax weyn ma ahan carab iyo ilko ayaa isku dhaw,wax weyn oo siyaasada oo la isku hayo majirto, waxkastana waa ay iska dhamaanayaan ayuu yiri” Ra’iisul Wasaare Rooble.
Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Ikraan Tahliil heli doonto Cadaalad kuwii dhibka u geystayna cadaaladda la marsin doono xilligii ay ahaataba, ayna la xisaabtami doonaan una gudbiyeen Maxkamadda Milateriga, go’aankeedana ay sugayaan.



