Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wada hadlay ka hortagga Covid 19

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo  Daryeelka Bulshadda Drs Fawziya Abikar Nuur ayaa maanta xarunta Wasaaradda Caafimaadka ku qaabishay safiirka dalka China u fadhiya Soomaaliya Mudane Feishengcho.

Wasiirka iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay xaaladaha Caafimaadka guud ee Wadanka iyo arrimaha Caabuqa COVID-19 iyo meesha ay marayaan qaadashada Tallaalka ka hortaga Caabuqa COVID-19.

Dowladda China ayaa si dhab ah uga caawinaysa Wasaaradda Caafimaadka qeybaha Tallaalka ka hortaga Caabuqa COVID-19 iyo kor u qaadida  adeega Caafimaadka, Wasiiradda  Caafimaadka ayaa ka mahadcelisay garab istaga ay Dawladda China ay marwalba diyaarka u latahay shacabka Soomaaliyeed.

Safiirka ayaa cadeeyay in ay diyaar u yihiin in ay sii xoojiyaan taageerada ay u hayaan Soomaaliya gaar ahaan ka hortagga cudurka Covid 19.