RW Rooble oo Amniga doorashooyinka kala hadlay Safiirka UK

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka UK ee Soomaaliya KFosterFCDO.

Kulan ay yeesheen ayaa waxaa ay kaga wada hadleen xiriirka labada dal iyo habsami u socodka iyo amniga doorashooyinka dalka ee uu hormuudka ka yahay Ra’iisul Wasaaruhu.

Kulanka ayaa Ra’iisul Wasaaraha waxaa kala qeyb galay Wasiirka cusub ee Amniga Cabdullaahi Mohamed Nur iyo Abdi Diirshe la Taliyaha Amniga ee RW Rooble.

Waa kulankii ugu horreeyay ee Wasiirka Amniga uu Ra’iisul Wasaaraha uu kala qeyb galo, kaas oo ay kula kulmeen mid kamid ah Safiirada dalalka Caalamka.