Ciidanka NISA oo howlgal ka sameeyay Baydhabo

Ciidamada Mabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee Soomaaliya qeybta ku sugan degaannada Koonfur Galbeed ayaa howlgallo culus waxaa ay ka sameeyeen Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolla Baay.

Howlgalka ayaa saraakiisha Ciidamada waxaa ay sheegeen inay ahaayeen kuwo amniga lagu xaqiininayay, waxaana Ciidamada ay baarayeen Gaadiidka noocyadiisa kala duwan iyo dadka Shacabka ah.

Taliyaha Ciidanka Nanadsugida Soomaaliya qeybta Koonfur Galbeed oo howlgalka horkacayay ayaa sheegay inay ka go’an tahay xaqiijinta Amniga Magaalada Baydhabo, ayna dardar gelin doonaan

Wuxuu sheegay in ay Ciidamada Nanadsugida kordhin doonaan howlgallada lagu sugayo amniga maadaama Magaalada Baydhanbo ay kamid tahay Goobaha ay ka  dhacayaan doorashooyinka Xildhibaannada labada Aqal.