Kulan looga hadlayay Amniga oo lagu qabtay Boosaaso

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa kulan lagu qabtay saldhiga bartamaha Bosaaso loogana hadlayay amniga la qaatay Saraakiisha Ciidamada Booliska Gobalka Bari.

Inta uu socday kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray xoojinta wadashaqeynta laamaha amniga boosaso iyo sidii loo dardar-gelin lahaa howlgalada lagu xaqiijinayo amaanka.

Taliye Xuseen ayaa dhamaan baraha kantaroolada faray in ay fajiignaan amni oo buuxa ay ka galaan dadka soo xagaa noqonaya oo imaanaya magalada Bosaaso marka laga reebo dadka Qoysaska ah iyo dadka jilicsan oo uu sheegay Taliyaha in ay si wanagsan dadkaas ciidamada ay ugu fududeyaan inta ay taagan yihiin gadiidka kalle madaama wali ay kulushahay cimilada Magaalada Bosaaso.

Sidoo kale Saraakiisha Ciidanka ayaa iska xog-wareystay howlgalada magaalada ugu dambeeyay ee laga fuliyay gudaha Magaalada waxaana Saraakiisha ay sheegeen in la iska kaashado ka hortego wax walba oo bulshada Gobalka Bari wax u dhimaaya iyadoo Taliye Xuseen ku dhiirigaliyay ciidmaada in ay howsha halkaas ka sii wadaan sidoo kalena ugu baaqay in ay wanaajiyaan habdhaqanka bulshada markii ay ku jiraan shaqadooda.

Waxaa kaloo Saraakiisha Ciidanka amniga dowlad isla garteen dardar-gelinta sugida amniga,sidoo kalena la joogteeyo howgalada lagu sugayo amniga.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galaya maanta sarakiisha Booliska, Taliyaasha saldhigyada’ kuwaas oo markasta u tagan u shaqeynta amaanka sidoo kale ciidmaada ayaa Taliye Xuseen Faray in waqti walba ay diyaar u ahaadan u shaqeynta Bulshada Gobalka kuwaas oo markasta Booliska ka gacansiiya Amniga ciidamada.