Duulimaadyadii uu Mareykanka muwaadinintiisa ku daad -gureynayayayaa dib uga bilowday Afgaanistaan kadib markii la hakiyay ku dhawaad 7 saacadood Jimcihii.
Saldhigga Mareykanka ee Qatar ayaa noqday mid buux dhaafay oo aan qaabili Karin dad dambe, taasoo kuqasbeysa Washington inay ku dadaasho inay hesho dalal kale oo qaabila dadka imanaya.
Waxaa wali garoonka diyaaradaha ee Kabul ka taagan jahwareer ka dhashay dadka badan ee doonaya inay garoonka ka dhoofaan.
Aasaasaha kooxda Taliban ahna hogaamiye ku xigeenka Mullah Abdul Ghani Baradar ayaa gaaray caasimada Afghanistan ee Kabul.
Sarkaal sare oo ka tirsan Taalibaan ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in Baradar uu la kulmi doono “hoggaamiyeyaasha jihaadka iyo siyaasiyiinta si loo dhiso dowlad loo dhan yahay”.
Baradar, oo sidoo kale ah madaxa xafiiska siyaasadda kooxda ee Doha, ayaa Talaadadii gaaray Afghanistan isagoo ka degay magaalada Kandahar.



