SAWIRO: Midowga Musharaxiinta oo kulamo ka bilaabay Muqdisho

Waxaa magaalada Muqdisho ka bilowday kulamo u dhaxeeya hoggaamiyeyaasha Mucaaradka dalka kuwaasoo oo ka hadlaya xaaladdaha kala duwan ee dalka gaar ahaan Arrimaha doorashooyinka.

Shirkaan waxaa ka qeyb galaya inta badan Midowga Musharaxiinta oo ku jiraan Madaxweynayaal iyo Ra’iisul wasaarayaal hore.

Dadka ka qeyb galaya waxaa ka mid ah hoggaamiyaha xisbiga Dan Qaran Daahir Maxamuud Geelle oo si weyn u dhaliilay sida ay u dhacday doorashadii Aqalka sare.

Shirkaan ayaa socon doona Saddex maalin.

“Waxaan maanta u bilawday Midowga Murashaxiinta kulan sedax maalin socon doona. Kulanka ayaa looga hadlay xaaladihii ugu danbeeyey ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka. Ka hor inta uusan soo bixin mowqifka Midowga, waxaan watashi la yeelan doonaa Raysalwasaaraha, madaxda DG, bulshada Rayadka iyo beesha caalamka” ayuu yiri Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur  hoggaamiyaha xisbiga Wadajir.