Rooble oo wali kulamo ka wadda Nairobi

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah ganacstada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Nairobi ee dalka Kenya .

Kulanka oo ahaa mid soo dhaweyn ah ayaa ganacstada waxa ay uga xog warameen Ra’iisul Wasaaraha ganacasiga Soomaalida ay ku leeyihiin Kenya , horumarka ay sameyeen iyo caqabadaha heysta xilligan. Ganacstada ayaa u soo jeedinayaan talooyin ay u arkaan in lagu hagaajin karo xoojinta xiriirka labada dal .

Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abubakar oo ka mid ahaa wafdigii Ra’iisul wasaare Rooble oo Shir Jaraa’id galabta ku qabtay Hotelka Sarena ee Magaalada Nairobi ayaa shaaca ka qaaday in Dowladda Kenya ay ka wada hadleen sii xoojinta xiriirka labada dhinaca ee arrimaha Diplomaasiyadda, Ganacsiga, Socdaalka, Amniga & Deris-Wanaagga.

Wasiirka oo ka jawaabayey Su’aal ku saabsanayd in Murankii Badda lagu soo qaaday wada hadalladaas, ayaa sheegay inaan marnaba arrintaas kulanka lagu soo qaadin.