Madaxweynaha Galmudug oo soo saaray liiska musharaxiinta kuraas ka mid ah Aqalka Sare

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa soo saaray liiska musharaxiinta qaar ka mid ah kuraasta xubnaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ee laga soo dooranayo Galmudug.

Axmed  Qoor Qoor  ayaa shaaciyey magacyada 12 musharax, oo u tartami doonta 6  ka mid ah 8 kursi ee Galmudug ku leedahay Aqalka Sare iyo sida ay isugu beegan yihiin, waxaana ay kala yihiin Magacyadooda.

  1. Cabdi Axmed Dhuxulow,

Nuur Xasan Guutaale

  1. Yusuf Geelle Ugaas

Daahir Faarax Filidow

  1. Siciid Siyaad Shirwac

Maxamed Daahir Maxamed

  1. Samsam Daahir Maxamuud

Farxiyo Maxamed Guure

  1. Cabdixakim Macalin Axmed

Ismahaan Cabdi Xuseen

  1. Duniyo Maxamed Cali

Qadro Cabdullahi Isxaaq

Madaxweynaha Galmudug ayaa dib u dhigay soo gudbinta musharixiinta Aqalka sare Saddex kursi oo kamid ah, kuwaas oo qaarkood ay u hanqal taagayaan Siyaasiyiin ay kamid yihiin Cabdi Qeybdiid iyo Axmed Ducaale Geelle Xaaf.