Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaliya Maxamed Xuseen rooble ayaa waxa la sheegay in uu soo geba gabeeyay wadatashiyadii uu la lahaa Guddoomiyah Aqalka sare iyo RW ku-xigeenk dalka ee xal u helista doorashada hoggaanka guddiga doorashada gobollada Woqooyi.
Qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa kulan deg deg ah la isugu yeeray xubnaha Gudiga doorashooyinka Gobolada Waqooyi ee loo yaqaan ( Somaliland) , kaas oo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ka dhacaya 11:00 Barqanimo.
Bilihii la soo dhaafay ayaa waxaa jiray khilaafka salka ku haayo dhanka doorashada, kaas oo u dhaxeeya Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi oo ay kala hoggaaminayaan Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul Wasaare kuxigeen Mahdi Guuleed.