Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo isaga wefdigiisu dalka dib ugu soo laabteen ayaa markale ka tacsiyeeyay qaraxii shalay koox ciyaartooy ah Kismaayo kula beegsadeen, isagoo ka warbixiyay socdaalkiisii London.
Waxaa uu shacabka ugu baaqay in ay la shaqeeyaan laamaha Ammaanka si looga hortaggo falalk Amni daro oo inta badan ka dhaca qeybo ka mid ah gobolada dalka.
Waxaa uu bogaadiyay Jubbaland oo ah halkii ugu horreysay ee laga bilaabay doorashada Aqalka Sare
Ra’iisul Wasaaraha ayaa madaxda dowlad-goboleedyada ku boorriyay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabaan qabashada doorashooyinka labada aqal Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Ugu dambeyntii waxaa shacabka ugu baaqay in ay ku kalsoonaanaadan hanaanka doorashooyinka ee dalka ka bilowday ayna garab istaagan Shacabka.



