Guddiga doorashooyinka KGS oo AMISOM Kala hadlay sugida Amniga goobaha doorashada

Guddiga Hirgellinta Doorashada Heer Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Shir looga Hadlaayey Sugidda Amaanka Goobaha Doorashooyinka la qaatey Saraakiishada Ciidamada Loo xilsaarey Amniga Doorashooyinka Sida Booliiska, AMISOM iyo UNSOM.
Waxana ay iska Xogwareysteen Sida Ugu wanaagsan ee Loo Sugi lahaa Amniga Sedaxda Goob ee Doorashada Aqalka Sare ugu horeysa lagu qaban Doono Gudaha Madaxtooyada Koonfur Galbeed.
Dhanka kale Guddiga Hirgellinta Doorashada heer Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Xubnaha Xildhibaanada Golaha Wakiilada ee Qabashada Doorashada Aqalka Sare ayaa Shir ku yeeshey Magaalada Baydhabo.

Waxana Shirka Shir Gudoomiyey Gudoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka KGS Mudane Yusuf Abdulkadir Mohamed Waxana Looga Hadley Dardar Gelinta Howlaha Shaqo ee Labada Gudi iyo Xoojinta Wadasheynta Guddiyada .