Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulamo ka wada Magaaada london

Ra’iisul Wasaaraha dalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble,ayaa magaalada London kulan muhiim kula qaatay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Dalka Ingiriiska Mr.Dominic Raab

Labada mas’uul ayaa si gaar ah uga wadahadlay xoojinta xiriirka shaqo ee labada dal iyo sidii Soomaaliya looga caawin lahaa horumaaa socda oo ay kamid tahay arrimaha doorashada.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee dalka Ingiriiska Dominic Raab ayaa sheegay in xukuumadda dalkaasi ay ka go’an tahay fulinta taageerada nabadda iyo xasilloonida dalka Soomaaliya ee muddada-fog.