Dagaalka oo u dhaxeeya Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa uu ka socdaa degaanka Madhooy oo u dhow Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.
Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay sida la sheegay kadib markii Ciidamada dowladda Soomaaliya ay weerareen degaankaas oo ay ku sugan yihiin Xubno ka tirsan Al-Shabaab.
Dadka degaanka Madhooy ayaa ku warramaya in uu socdo dagaal xoogan oo la isku adeegsanayo hybka noocyadiisa kala duwan, isla markaana weli sirasmi ah u xaqiijin Karin khasaaraha ka dhashay.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Hiiraan Cabdi Muumin Iidow ayaa sheegay in uu socdo dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ay hoggaaminayaan Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali jeyte Cusman iyo Taliyaha G/5aad Qeybta 27aad Col Bakaay Daljir Soomaaliya
Wararka kusoo kordha dagaalka kala socda www.Radiorisaala.com



