Galmudug oo sheegtay in uu isa-soo dhiibay Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab

Saraakiisha Ciidamada Daraawiishta dowlad Goboleedka Galmudug ayaa sheegay in uu isku soo dhiibay Sarkaal Sare oo ka tirsan ururka Al-Shabaab.

Saraakiisha Ciidamada Daraawiishta dowlad Goboleedka Galmudug ayaa sheegay in uu isku soo dhiibay Sarkaal Sare oo ka tirsan ururka Al-Shabaab.

Taliyaha Ladagaallanka waxa loogu yeero Argagixisada ee Daraawiishta Galmudug Geedi Qalabxoor ayaa Warbaahinta fowladda u xaqiijiyay in Sarkaakan uu isku dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan aagga deegaanka Bacaadweyne, kaas oo lagu magacaabo Dalabeey Cabdi Macallin.

Taliyaha ayaa tilmaamay inay jiraan Sarkaakiil kale oo ka tirsan  Al-Shabaab oo la soo xariiraya ciidanka, kuwaasi oo doonaya inay isaga soo tegaan  Al-Shabaab, kadib markii ay isaga tageen deegaanno badan oo ku yaala Koofurta Galmudug.

Warkaan kasoo yeeray Taliska Ciidanka daraawiishta Galmudug ayaa kusoo aadaya xilli maalmihii la soo dhaafay degaano ku yaal Koonfurta Gobolka Mudug ay ka socdeen dagaalo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab.