Madaxweynaha Somaliland oo Shacabka uga digay isticmaalka waxyaabaha maanka dooriya

Madaxweynaha Somaliland oo ay wehelinayaan xubno kamid ah golaha wasiirrada, maayarka caasimadda, taliyayaasha ciidamada, siyaasiyiin iyo xildhibaanno, ayaa kumanaan kamid ah shacabka Hargeysa salaadda ciidal Adxaha kula tukaday masjid jaamaca weyn, waxana uu halkaas ka jeediyey khudbad uu bulshada ku hogo-tusaaleeyey dhibaatada ay noocyada kala duwan ee mukhaadaraadku ku hayaan shacabka.

Ugu horrayn madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu munaasibadda Ciidal Adxaha si guud ugu duceeyey ummadda muslimiinta ah, gaar ahaanna shacabka reer Somaliland, isaga oo ka digay Aafada noocyada kala duwan ee mukhaadaraadka oo caqliga bulshada saamayn xun ku yeelanaya, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yiri,“Walaallayaal diinta, dawladda, qoyska iyo baayac-mushtarkaba waxa ilaaliyaa waa caqliga, waxana innagu soo batay fasahaad caqligii xumaynaya, haddii ummaddii caqligii laga xumeeyana, diintii, dalkii, Aakhiradii iyo adduunkiiba wuu xumaanayaa. Walaallayaal waxa inagu soo batay wax Mukhaadaraad la yidhaahdo oo khamri leh, xashiishad leh oo kiniin leh oo qofkii iyo mujtamiciiba si weyn ugu fasahaadayaan.”

Madaxweynaha waxa uu shacabka u diray farriin la xiriirta inay gacmaha isu qabsadaan sidii dagaal wada-jir ah loogu qaadi lahaa mukhaadaraadka da’yarta dhibaatada ku haya ee mustaqbalkooda dilaya,“Muwaaddiniinta Somaliland iyo inta Somaliland jecelba waxan ku waaninayaa in dagaalka mukhaadaraadka la wada galo, wuuna ka weyn yahay in gaar ahi gasho, maalin walbana waxaynu aragnaa maxkamadi xukuntay waanu sii badanayaa,” ayuu yri madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.