Soomaaliya & Caalamka oo Maanta siweyn looga Ciidayo

Maanta oo Talaado ah ayaa waxaa siweyn looga Ciidayaa dalal badan oo kamid ah Caalamka oo ay ku jirto Soomaaliya, kadib markii shalay oo Isniin aheyd dadka Muslimiinta ah badi ay Soomanaayeen Maalinta Sagaalaad ee Bisha Carafo.

Magaalada Muqdisho inta badan Maamul Goboleedyada & degaannada  Somaliland ayaa Maanta siweyn looga ciidayaa, iyada oo Goobo fagaaro ah iyo masaajida ay Bulshada Soomaaliyeed ku dukadeen Salaada Ciida Carafo.

Markii aad marto wadooyinka waaweyn ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaad arkeeysaa Dhalinyaro aad u labisan oo qaarkood ay la socdaan Waalidiintooda, kuwaas oo Maanta siweyn u Ciidaya Maalinta Koowaad ee Ciida Carafo.

Mas’uuliyiinta sar sare ee doadda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada ayaa Shacabka Soomaaliyeed waxaa ay ugu hambalyeeyeen Maalinta Koowaad ee Ciida Carafo oo Maanta loo dabaal degayo.