Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ugu hambalyeeyay Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Shacabka Koonfur Galbeed munaasabadda barakaysan ee Ciidul Adxa.
Madaxweynaha ayaa Shacabka Soomaaliyeed kula dardaarmay inay isku kaalmeeyeen Fadliga Maalmaha Carfo Awgeeda.
Dhinaca kale Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-shabeelle Cali Gudlaawe Xuseen ayaa munaasabadda ciidda adxaa awgeed hambalyo u diray dhammaan ummadda Muslimiinta ah, gaar ahaanna kuwa Soomaaliyeed meel walba oo ay dunida ka joogaan.
Wuxuu madaxwaynuhu ALLE uga baryay ummadda in dambigooda dhaafo, waxaana uu kula dardaarmay in ay iscafiyaan si Eebbe inoogu wada naxariisto.
Madaxweynaha dowlada hirshabeelle mudane Cali guudlaawe ayaa ugu baaqay shacabka hirshabeelle ineey isku gargaaraan lana fiiriyo dadka tabaaleysan.


