Dagaal culus ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa uu ku dhex-maray degaanka Qayacad oo qiyaastii sideed KM. ujirta degaanka bacaadweeyne ee gobolka Mudug Ciidamada dowlada Soomaaliya oo ay wehlinayaan kuwa Galmudug & Al-Shabaab.
Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi oo lahadlay Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida ayaa sheegay in Al-shabaab howlgalkii maanta looga dilay 35 Xubnood iyo Saraakiil sidoo kale tiro kale ay ka dhaawaceen.
Taliyaha ayaa xusay in ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay aAl-Shabaab kafurteen saanad ciidan islamarkaana howlgallada ka dhanka ah ay ka sii socon doonaan degaannada Gobolka Mudug.
Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab kawada degaano katirsan gobolada Mudug iyo Galguduud ee maamulka galmudug howlgaladaasi oo ay qeyb kayihiin ciidamadda Daraawiishta iyo Nabadsugida Galmudug.



