Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed filish ayaa farriin adag u diray dad uu sheegay inay ka soo horjeeda danaha danta guud.
Gudoomiyaha oo Maanta tegay wadada 30-ka halka ay biyuhu fariistaan ee Shirkadda DAALO ayaa sheegay in Goobtan ay noqotay meel biyo fariisid ah oo ay ka go’an ganacsiga iyo isku socodka Gaadiidka.
Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in dhibaatadaan ay bilaabatay sanadkii hore, balse Maamulka Gobolka Banaadir uu doonayay in uu waxka qabto, waxaana qaar kamid ah dadka degaanka uu ku eedeyeen in aysan u bisleyn in wax laga qabto.
“ Waxaan uga digayaa horumarinta danta guud dadka ka hoir imaanaya inay ka wantoobaan, dowladda, iyada ayaa wado kasto bixiso, iyad aoo eegeyso danaha dadka marka waxaa waajib nagu ah in mas’uuliyadeena si cad aan u gudano ayuu yiri” Guddoomiye Cumar filish.
Ugu dambeyn Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed filish ayaa sheegay in Booydo farabadan ay u soo dirayaan wadada 30-ka si Biyaha looga qaado, waxaana uu ugu baaqay Bulshada inay u soo gudbiyan cid kasta oo caqabad ku ah inay la soo wadaagan Maamulka.
Hadalkaan kasoo yeeray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed filish ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli qaar kamid wadooyinka Muqdisho uu xiray Roobkii ka da’ay.



