Wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Puntland ayaa faah faahin guud ka bixisay howlgalladii ugu dambeeyay ee Ciidamada dowlad Goboleedka Puntland ka sameeyeen dhulka Buuraleyda ah ee Gobolka Bari.
Wasiirka Amniga Puntland Cabdisamada Maxamed Galan ayaa sheegay in howlgalkan uu ka dambeeyay kadib markii Al-Shabaab & Daacish ay fariisimo ka sameysteen dhulka Buuraleyda ah ee Calmadow, iyaga oo ka faa’iideysanaya Cimilada jira & in dhulkaas aan si fudud lagu geli Karin.
Waxaa uu sheegay in Ciidamo gaar ay sameeyeen howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, kaas oo badi laga fuliyay dhulka Buuraleyda ah ee u dhow Magaalada Boosaaso, sida sugul, Ceel-gobaad, Dhashaabo, Majiyahan, Maraje, Ceel-dibir iyo degaano kale.
Wasiirka Amniga Puntland Cabdisamada Maxamed Galan waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in howlgalladaas ay ahaayeen kuwo lagu burburiyay Xarumihii ay ku sugnaayeen Al-Shabaab , sidoo kale laula wareegay Saanad Ciidan iyo Agab kale.
Ugu dambeyn Wasiirka Amniga Puntland Cabdisamada Maxamed Galan waxaa uu sheegay in sidoo kale Ciidamada Puntland ay sameeyeen wajigii labaad ee howlgallada oo ka dhan ahaa Daacish, kaas oo laga fuliyay degaannada, Balli-dhidin, Tuulo-Ciise, Kaneecaleey, Dhabanacaddo, Dabdheero, Ceel Ileed & degaano kale.
Puntland ayaa waxaa ay xilligaan dagaal adag kula jira Al-Shabaab iyo Kooxda Daacish-ta Soomaaliya, kuwaas oo mararka qaar degaannada Maamulkaas ka fuliya dilal qorsheysan iyo qaraxyo.



