Ugu yaraan sedex qod ayaa ku dhintay, sedex kalane waa ay ku dhaaawacmeen Qarax miino oo wadada dhinaceeda lagu aasay degmada Afrin ee waqooyiga Suuriya, sida laga soo xigtay laamaha amaanka ee dalkaasi.
Waxyar kadib, markii uu qaraxu dhacay, ciidamada amaanka ayaa soo gaarey goobta waxayna bilaabeen baaritaanka dhacdada, iyaga oo diirada saaray suurtagalnimada ah ku lug lahaanshaha kooxda PKK, maadaama howlo noocaas ah oo qaran dumis ah ay horey u sameeyeen.
Iyaga oo soo xiganaya dhacdadaasi, Wasaaradda Difaaca Qaranka ee Dalka Turkiga ayaa sheegtay in weerarka ay fuliyeen PKK. “Kooxda argagixisada ee PKK ayaa weerar kale oo bambo ah ku qaaday dad rayid ah oo aan waxba galabsan oo ku nool Afrin,” ayay wasaaraddu ku tiri Twitter-keeda.
Wasaaradda ayaa sidoo kale wacad ku martay inay sii wadi doonto la dagaalanka ” PKK” oo dadka shacabka ah weeraro aan kala sooc lahayn la beegsatay marar kala duwan.
Afrin ayaa inta badan laga saaray kooxda PKK sanadkii 2018-kii, kadib howlgal turkigu hugaaminayay oo lagu bartilmaameedasaday fariisamahooda.
In ka badan 35-sano oo ay ku jirtay olole argagixiso oo ka dhan ah Turkiga, PKK oo ay ku taxan yihiin ururada argagixisada ee Turkiga, Mareykanka, iyo EU waxay mas’uul ka ahaayeen dhimashada ku dhowaad 40,000 oo qof, oo ay ku jiraan haween, carruur, iyo dhallaanka.



