Maxaa looga hadlay Shirka Golaha Wasiiradda Galmudug xalay?

Madaxweynaha maamulka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa guddoomiyey Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada.

Shirka Golaha Wasiirada oo uu ka qeybgalay madaxweyne  ku-xigeenka, ayaa todobaadkan looga dooday dib-u-eegista xeer hoosaadka Golaha Wasiiradda Galmudug.

Dhinaca kale, wasaaradda Biyaha & Tamarta ayaa golaha la wadaagtay xeerka  maareynta biyaha halka wasaaradda Beeraha laga dhageystay warbixin la xiriirta dhibaatooyinka uu ayuxu ku hayo deegaanada Galmudug.

Madaxwweynaha Galmudug ayaa golaha ka daldabay dardargalinta howlaha muhiimka ah ee maamulka oo ay ka midyihiin in wasiiradda ay joojiyaan safarada badan oo ay uga maqan yihiin degaanada maamulka Galmudug.