RW Rooble oo magacaabay Guddiyada doorashada( Akhriso Magacyada)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa digreeto ku magacaabay guddiyada maamulaya doorashooyinka labada gole ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo guddiga Xalinta Khilaafaadka.

Xubnaha Guddiyada ayaa ka kooban Guddiga doorashada Heer dowlad Heer Federaal, Guddiga doorashada Beelaha Banaadir, Guddiga doorashada Xildhibaannada Gobolada Waqooyi, xubnaha dowladda Federaalka ku dareyso Guddiyada doorashooyinka Heer dowlad Goboleed iyo Guddiga xalinta khilaafaadka.