Weli waxaa Nairobi ka socota baaritaanka lagu radinayo gabdho la afduubtay oo Soomaali ah. Sida masuuliyiinta Soomaalida ee Kenya ay sheegeen, gabdhaha maqan waa seddax.
Labo ka mid ah gabdhahaas waxaa la rumeysan yahay in la isla afduubtay. Sidoo kale, warbaahinta Kenya qaarkood waxay sheegeen in muuqaal ay duubtay kaamerada amniga, ay ka muuqdaan gabdhaha oo xilli galab ah sii galayay dukaan ku yaalla Islii.
Ka dib waxay isu raaceen xaafadda Kayole oo ah meeshii ugu wardambeysay, sida uu qoray The Standard.
Muuqaal uu baahiyay telefishinka Universal Somali TV, waxaa ka muuqatay mid ka mid ah waalidiinta dhalay gabdhahaas oo ooyeysa. Waxayna dalbatay in gabadheeda loo keeno – nolol ama geeri.
Xafsa Cabdi Axmed, waxay ahayd gabadh ka ganacsata qudaarta ka soo go’da beer ay iyada leedahay oo ku taalla deegaanka Bura oo ka tirsan Tana River, Gobolka Xeebta ee Kenya.
Shiindheys Sheekh Nuur, oo dhashay Xafsa Cabdi, waxay Universal Somali TV u sheegta: “Gabadheyda waxay ka shaqeyneysay beer Bura ku taalla. Aniga in ay qaraha ku maqantahay baan ogaa, waxaana maqlay in gabadha Nairobi lagu afduubtay. Waa la ii keenay sawirkeeda.”



