RW Rooble & Madaxweynayaasha Galmudug & Hir-Shabeelle oo kulan yeeshay

Magalada Muqdisho waxaa kulan ku yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble & Madaxweynayaasha Maamulada Galmudug & Hir-Shabeelle.

Kulanka oo uu ku wehlinayay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Amb, Donald Yamamota ayaa waxaa looga hadlay  dardargalinta hanaanka Doorashooyinka Dalka ee dhawaan lagu heshiiyay.

Sidoo kale kulankaan waxaa looga hadlay Arrimaha Amniga iyo saameeynta la dhalatay  Fatahaada  uu Wabiga Shabeelle ka geystay degaannada Maamulka Hir-Shabeelle.

Warraka kulanka laga helay ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye laga dalbaday in uu soo dhameystiro Xubnaha Guddiga doorashooyinka maadaama maamulada kale ay soo Magacaabeen.