Ra’iisul Wasaare Rooble oo warbixin ka dhageystay Guddiga Xaqiijinta Xubnaha Guddiyada Doorashooyinka

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble oo warbixin ka dhageystay Guddiga Xaqiijinta Xubnaha Guddiyada Doorashooyinka ayaa faray in habraaca hubinta la marsiiyo xubnaha cusub ee ay soo magacaabeen dowlad-goboleedyadu, isaggoo ku baaqay in xubnaha harsan dhaqso loo soo gudbiyo.

Wasiirka waxbarashada Soomaaliya oo ah Gudoomiyaha Guddiga ayaa sheegay inta badan ay soo gudbiyeen maamulada xubnaha guddiyada ee lagu badalaayo kuwii horay guddiga looga saaray.

Hal maamul ayuu sheegay in xubnihii loo diray uusan wali soo gudbin kuwo cusub ee lagu badalaayo.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada oo looga hadlay Xaaladda amniga dalka iyadoo lagu dhageystay warbixinno ku saabsan Amniga dalka, Caabuqa Covid-19, Gurmadka Abaaraha & Fatahaadaha.